X

Sidee looga ciiday dhamaan dhulka Somaliyeed

Ayadoo xalay saqdhexe dawlada Somaliya ku dhawaaqday inay maanta tahay maalinta koowaad ee ciida ayaa guud ahaan dalka min Saylac ilaa Raaskambooni si weyn looga ciiday. Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo degmooyinka yar yar ayaa caruur iyo ciroole isugu soo baxeen.


Waxaana meelaha badankood gaar ahaan suuqyada waaweyn lagu arkaayay dadka oo ku labisan dharkii ciida oo aad u qurxoon. Caruurta oo ciidan si weyn u ciida ayaa iyagu xirnaa dhar aad u quruxbadan.


Waxa kale oo laga ciidey dhamaan Kiiniya iyo Itoobiya oo iyaguna raacay bisha laga arkay Muqdisho iyo gobolada dalka. Guud ahaan ciidan ayaa u socota si farxad leh inkastoo la sheegay in argagixisadu Diinsoor ku dishey haweenay aad u firfircoonayd welibana ciidan dhaawacdey caruurteedii. Allaha u naxariisto ayaa leenahay.


Madaxda dalka ayaa bogaadiyay ummada Somaliyeed inay ciidan uga faaiideystaan is cafin iyo ka shaqaynta danta dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.