Sidee loogu soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo magaalada Nayroobi. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kiiniya Monica Juma iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kiiniya Mudane Cali Maxamed Sheekh.
Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe wada hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Safarka madaxweynaha Ayaan la shaacin waxa looga hadli doono.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay