X

Sidee u dhacay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo jaaliyada Koofur Afrika: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa la kulmey jaaliyada Somaliyeed ee dalkaasi Koofur Afrika. Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay xaflada caleemo saarka madaxweynaha,Koofur Afrika oo doorashada ku guulaystey.


Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda xubno matalayay Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.


Madaxweynaha ayaa jaaliyada u sheegay inay madaxda Koofur Afrika ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhaca loo gaysto Soomaalida.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.