Waxa maanta abaaro duhurkii kahor ka dhacay maqaayad dhowr jeer ay weerareen argagixisadu oo uu leeyahay muwaadin Somaliyeed oo dib ugu noqdey dalkiisa si uu ugu faaiideeyo dadkiisa kuna taal guriga hooyooyinka.
Natfii haligahan ayaa lagu yiri iska dhig nin maqaayada wax ka cunaya wuxuuna ka mid noqdey dadkii fariistey kuraasta maqaayada THE VILLAGE halkaas oo uu dabeetana isqarxiyay.
Dad badan ayaa iswaydiinaya maadaama dhiigmiiratadu dhowr jeer oo hore ay weerartay xalaal quutahan maxaa la isaga baari waayay dadka imanaya iyo gawaadhida dhiganaya goobta.
Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhinteen tiro kalana dhaawacyo ay ka soo gaareen.
Goobta qaraxa lala beegsaday ayaa hore dhowr jeer ay qaraxyo uga dhaceen iyadoo ay qaraxyadaa ku dhinteen saxafiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsanayd dowlada Soomaaliya. burbur xoog leh ayaa mar kale soo gaaray maqaaxida The Village.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay