X

Siilaanyo diyaar uma aha in uu xukunka wadaago wuxuuna soo wadaa isku shaandheyn: wargeys wax ka qorey

?????????????????????????????????????

Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo lagu yaqaan in uu qoro siraha hoose ayaa wax ka qoray in Madaxweynaha Somaliland aanu diyaar u ahayn inuu dhawaanahan xukunka ka dego oo uu sugayo inta bisha Ramadaan ka hadhay si uu isku shaandhayn ugu sameeyo golihiisa wasiirada. Wargeyska oo aan sheegin ilaha uu warkan soo xigtey ayaa sheegay in Siilaanyo aanu marnaba dhisayn maamul ay mucaaradku la wadaagaan.

Wargeyska ayaa intaa raaciyay in Siilaanyo ilaa hadda liqi kari la’ yahay xaqiiqada ah in wasiiradiisa intoodii badnayd ay la safteen mawqifkii Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ee ahaa in doorashada laga soo hor mariyo wakhtigii ay guurtidu u qabatay oo ahaa April 2017 balse laga dhigo December 2016.

Wargeysku ayaa qorey qorshe uu rabo Muuse Biixi si uu kursiga ugala wareego Siilaanyo taas oo Muuse ku raacay mucaadka in doorashada hore looga soo dhigo sanadka 2017.

Safarkii Siilaanyo ku tagey Itoobiya ayaa wargeysku ku sheegay mid loogu sheegayay in uu isha ku hayo xagjirka shabaab iyadoo dhinaca kale laga waraystey in wasiirkiisa madaxtooyada Xirsi oo lagu tiriyo in uu argagixisada ku xidhan yahay ay sheegeen in uu soo raacayo iyo in kale.

Soo akhrintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.