X

Siilaanyo haddii caafimaadkiisa been laga sheegay ha is difaaco

Siilaanyo haddii caafimaadkiisu been laga sheegay ha is difaaco . Maamulka Muuse Biixi shaqsiyaad ku jira ayaa saf u soo galay difaaca caafimaadka Siilaanyo oo la ogaa inaanu soo hor istaagi karin dadka qancina karin mudadaa lixda sanno.


Tallaabooyinkii kooxda afhayeenka u ah Siilaanyo ay qaadeen waxa hormuud u noqday laba masuul oo Shalay aflagaado iyo hanjabaad u diray Hoggaamiye Xirsi.

Waxana kamid ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya oo madaxweynihii hore sodog u yahay, isla markaana ahaa shaqsiyaadkii horeba loogu eedeyn jiray inay madaxtooyadii hore ku dhex lahaayeen awood dheeraada, waxanu sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonan Xirsi iyo Buugiiisa.


Waxa isna difaaca Siilaanyo soo galay Gudoomiyaha Hayadda qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Xinif, oo isna todobadii sanno ee Siilaanyo dalka xukunkiisa haystay xil ka hayey. Waxa kaloo la filayaa maalmaha fooda inaggu soo haya inay sii laban-laab maan masuuliyiinta eedeynaya Buugga Xirsi qoray.


Haddaba, waxa is-weyn diin mudan yaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ka diffaaci kara xaaladda caafimaad qab ee ku qoran Buugga Hoggaamiye Xirsi qoray?.


Su’aashaa jawaabteeda hadii dhinaca saxda ah laga istaago, waxa xaq u leh inuu iska difaaco eedeyntaa xaaladda caafimaad ee Buugga ku qoran Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, maadaama oo u caafimaad qabo siday kooxdan u doodaysaa sheegayaan, isla markaana uu hadli karo, isna diffaaci karo.

Waxaan oran lahaa ka hadliya isagoo muraayad la hordhigin kana jawaabi kara su’aalaha weydiiyo taas oo xaqiiqiyan aan dhicin 7 sanno. Mara buuga Xirsi Tooriile waa saxan yahay.

Qalinkii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.