X

Madaxweyne Farmaajo maku saxsanaa inuu banaanka keeno waxa jira

Madaxweyne Farmaajo maku saxsanaa inuu banaanka keeno waxa jira ee ku aadan muran dibedda laga keenay oo la sheego inuu u dhexeeyo horjoogeyaasha gobolada oo sadexa iyo dawlada dhexe.


Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo jooga Koofurta Suudaan daboolka ka qaaday halka SARTU ka qurantey ee Somaliya ka socon la’dahay maaha isaga kaliya ee weliba haysatey madaxdii ka horeysay sida Xaan Sheekh iyo Sheekh Shariif, inkastoo xilliga labadaas hore ay ka duwanaayeen xilliga madaxweyne Farmaajo ee hadda.


Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku qaadi karin shan madaxweyne muranka ugu wryna uu halkaas yahay. Waxana la ogyahay in la diidan yahay dawlad adag oo dhisanta laakiin la rabo dawlad diciifa iyo maamul jufeedyo xoogan.

Fikirka ah in ciidamo jufeysan la samaysto ayaa ah mid ka yimi Imaaraadka iyo Sucuudiga iyo dalalka jaarka si Somaliya weligeed u yeelan dawlad adag oo dalka hananta.


Madaxweynuhu waa saxan yahay ayuu yiri muwaadin C/llaahi Nuur oo isagu jooga Muqdisho, waayo wixii lagu haayay kuwii hore ayaa isagana lagula kacay, marka inuu shaaca ka qaado anu waxaaban qabaa inuu la soo daahay.


Wax la qariyo qurunbaa ku jira ayuu raaciyay Xirsi Geeljire oo isna Muqdisho jooga, Somaliya kuma jiri karto sidan ay tahay haday rabto inay hore u socoto waa in la helo dawlad adag oo amarkeeda fulisa haddii kale Somaliya hala ilaawo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.