WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3842/022016ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle, Isagoo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, sidoo kalena Tv Qaranka waxa uu Hoose geeyey Wasaaradda Warfaafinta, halka uu Xubin Cusubna u magacaabay Komishanka Maamul-wanaagga.
Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle; Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ØXeerka: Hoose Geynta Tv-ga Qaranka ee Wasaaradda Warfaafinta Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee uu TV-ga Qaranku u leeyahay Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In ay lagama-maarmaan tahay in Warbaahinta Dawladdu si toos ah isula jaanqaado; Markuu Ka Fiirsaday: In la middeeyo nidaamka maamul iyo siyaasadeed ee Warbaahinta Dawladda;
Markuu ku Qancay: In ay habboon tahay in TV-ga Qaranka la hoos-geeyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta; Wuxuu Soo Saaray Xeerkan
1.In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, uu maamul ahaan TV-ga Qaranku si toos ah u hoos iman doono Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
2.In Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu uu si buuxda uga mas’uul yahay dejinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka lagu hagayo TV-ga Qaranka. ØMagacaabida Xubinta Komishanka Maamul-wanaagga Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubinta Komishanka Maamul-wanaagga; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi-naasir Cabdillaahi Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland. ØXilka Qaadista Gudoomiyaha Buuhoodle Ku:
Mudane, Cismaan Ciise Maxamed Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Buuhoodle Buuhoodle Ujeeddo:Xil ka Qaadis Mudane, Waxaan kaaga mahadcelinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle.
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado Xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle.
Sidaas darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejin doonto mas’uulka aan xilkaas u soo magacaabay. ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay