X

Siilaanyo oo beelaha mid mid ula kulmaya iyo taageero uu u raadinayo saldhiga Berbera

Siilaanyo ayaa bilaabay in uu beel beel ula kulmo qabiilada Somaliland si uu taageero ugu helo saldhiga Berbera oo la kireynayo Carabta oo dagaal diimeed oo iyaga u gaara kula jira YAMAN.



Carabta uu Sucuudigu ugu horeeyo ayaa dagaal u khaasa kula jira shacabka masaakiinta ah ee YAMAN kuna dibiro dhacsanaya. Cumaan ayaa iyadu diidey in dalkeeda looga duulo YAMAN.



Waxana ay ku kaliftey in yimaadaan Somaliya oo gaajo ah dawladna ka jirin, kadibna ay musuqaan maamul jufeedyada ka dhisan gobolada dalka sida maamulka Siilaanyo ama Somaliland.

Hadaba Siilaanyo ayaa bilaabay in uu marka hore jufo jufo ula kulmo qabiilkiisa ISAAQ kadibna la kulmo beelaha kale sida Samaroon iyo Daarood.



Labada dambe e Samaroon iyo Daarood malaha hogaan waxayna u kala jabsin yihiin ama ku kala dhuunteen xisbiyada maamulka halka meelaha qaarna ay jabhado jiraan.

Halka dhinaca isla manta la dooranayo madaxweyne lagana yaabo in fadhiid Xasan Sheekh dib loo doorto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.