November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Siilaanyo oo ku hungoobey arin uu ula tagey Imaaraadka Carabta iyo dhacdooyin uu kala kulmey Imaaraadka: Faahfaahin!!

Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa baryahanba ku maqnaa safar uu ku tagey Imaaraadka Carabta waxana hadda soo baxaya in arin markuu ku hungoobaba uu la soo baxayo arin kale taas oo wareerisay madaxda Imaaraadka Carabta.

Siilaanyo ayaa si toosa ula hadli waayay madaxda uu wax u doontey waxana markasta la socda ama garab jooga oo iska dhiga inuu turjumaan u yahay wasiir ka mida kuwa isaga beeshiisa ah taasna waxay keentay in madaxda Imaaraadku dib uga joogsadaan.

Waxa meesha ka baxay qorshihii uu u tagey markii hore oo ahayd in ay isla soo qaadaan arinta dekeda Berbera waxase bedelkeedii uu helay shirkada diyaaradaha FlyDubai oo suuqa ka saaraysa diyaaradihii hore u iman jiray Hargeysa iyadoo lagu yaqaano qiimo jaban.

Waxase hadda ugu dambeyn uu u sheegay Imaaraadka in ay mid yihiin maamulada ka jira Somaliya isla markaana ay xaq u leeyihiin in caawimada Imaaraadka iyaga la siiyo. Siilaanyo inta la socota ayaa ka socda dhamaan beesha dhexe halka kuwa ka socda darifyada ay kaliya dalxiis ahaan u raaceen ee ayna haba yaraatee wax shaqo ku lahayn wax goynta.

Siilaanyo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xoghaynta Wasiirka Gaashaandhiga Imaaraadka Carabta iyo lataliyayaashiisa si uu ugu soo bandhigo baahida uu uqabo gawaadhida uu Imaaraadku siiyo dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada Puntland iyo Jubba.

Imaaraadka ayaa ka gaabsaday in ay codsigaas jawaab ka bixiyaan iyagoo ku wareeray isbedelada Siilaanyo iyo turjubaanadiisu sheegayaan. Ugu dambeyn waxa wasiirka duulimaadka ee dawlada dhexe ogolaaday in shirkada FLYDUBAI ay ka shaqayn karto Somaliya kadib markii safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliya uu codsigaas gudbiyay.

Waxana Siilaanyo loo sheegay in diyaarada FLYDUBAI iman doonto Hargeysa usbuuc kasta. Waxase dad badan is waydiinayaan kooxda gooni goosadkaoo nacayb u muujisay Somalida una diidey in ay dhulkooda ku soo noqdaan in hadana ay daba taagan yihiin ishii yar ee u furanta umada Somalida.

.Ma jirto wax ilaa iyo hada loo balan qaaday Axmed Siilaanyo iyo wafdigiisa waxaana ilaa hadda loo sheegay in waxkasta ay ka fiirsanayso dawlada Imaaradku inta ayna bixin oo macnaheedu yahay in ay fasax ka helaan dawlada dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM