November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

????????????????????????????????????

Siilaanyo oo u furey ciidankiisa garoon ay ku ciyaaraan

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeer guud ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida.

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Miiska Saraakiisha oo laga hirgeliyey Wadooyin, Dhismayaal, Garoon kubadeed iyo mashaariico kale oo badan, ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter  kuna wareegaysa miiska saraakiisha gudihiisa, iyo Dugsi lagu baran doono Luuqadaha (Languages) loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha, madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay Hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa Baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqondoonna.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha inay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka midka yahay.

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudooyinkii u danbeeyey.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS