Boorama 14 Dec 2014–Siilaanyo oo ka cadhaysan kacdoonka ka jira gobolada Awdal ayaa xabsiga u taxaabey xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama oo la soo doortey. Xildhibaanada oo lagu sheegay ilaa labo ayaa la geeyay tuulada Madheera oo ah xabsi uu dhisay Ingiriisku.
Siilaanyo iyo kuwa taabacsan ayaa qaba in xabsi lagu cabsi geliyo gobolada Awdal. Kooxda SNM ayaa Ingiriis u baxsatay markii dawladii Somaliya isku daydey inay amarka iyo kaladambeynta soo celiso.
Ciidan daacad u ah Siilaanyo oo jooga Boorama ayaa xildhibaanada ku caraabey xalay sida wararku sheegayaan. Wararka ayaa sheegaya in kuwa kalana lagu dabajiro in uu xidho iyagoo lagu eedaynayo in ay hadleen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay