28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: Siiriya oo soo ridey in ka badan 100 gantaal

Siiriya ayaa soo ridey in gaaraysa ilaa 100 gantaal oo ay dalka ku soo weerareen Trump iyo soo raacyadiisa Faransiiska iyo Ingiriiska. Gantaaladan ayaa laga soo tuurey maraakiib yimi badda Siiriya iyo diyaarad dagaal oo ka kacdey isla Siiriya dhexdeeda.

Ciidanka difaaca cirka Siiriya ayaa dhulka soo dhigey in gaaraysa boqol ka mida gantaalada kooxdani ku gantey xeryaha ciidamada iyo warshadaha dalkaasi Siiriya.



Ujeedada ayaa ah in Siiriya la curyaamiyo si ayna u jirin awood Yuhuuda ag degan. Dhinaca kale Ruushka ayaa sheegay in ciidamadiisa difaaca cirka ee jooga Siiriya ayna ka qayb qaadan soo ridida gantaaladan.

Ruushka ayaa hore u sheegay inuu Siiriya ku hubeyn doono hubkiisa casriga ah taas oo halkan ka muuqata. Siiriya oo gacan ka helaysa Ruushka ayaa garaacday xulafo isugu jirta Wahaabiyiin, akhwaan Muslimiin iyo Daacish iswata.



Dalka ayaa hadda ka soo kabanaya burburkii loogu gaystey dhinaca diinta ayagoo dadkii beenta loogu sheegay inay Sunni yihiin hadda lagu kufsado xeryaha wadamada jaarka ah ayagoon waxna aan loo tarin in lagu wiirsado mooyee.

Trump ayaa sheegay in ay soo tuureen in ku dhow 160 gantaal

Hoos ka daawo gantaal Siiriya ridey oo soo ridey mid Trump soo tuurey

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=Vx5ez_KuV5c[/embedyt]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS