X

Sirdoon qaldan oo lagu weeraray gurigii Aadan Cadde

Sirdoon qaldan ayaa lagu weeraray gurigii madaxweynihii hore ee Somaliya Aadan Cadde oo geeriyooday sanadii 2007. Guriga madaxweynaha ayaa waxa joogey haween iyo sadex wiil markii weerarka uu dhacay.

Sida uu shaaca ka qaaday xubin ka tirsan sirdoonka la socdey hawlgalka ayaa sheegay in warbixinta ay bixiyeen dad ka ag dhawaa halka askartu ku sugnaayeen.


”Waxa askartii baacsanaysay argagixisada ay u sheegeen dadka arkaayay inay galeen guriga madaxweynihii hore. Sidaasna askartu ku gashay guriga kuna baareen meelkasta.

Waxay goobta ka kaxaysteen sadex wiil ayagoo dadka intii kale gacmaha ka xirey oo uu ku jirey oday weyn oo macaan qaba ayay tiri Sucaad Cabdullaahi oo ay walaalo yihiin madaxweynaha.


Xataa wey naga diideen in aan dhar xirano maadaama ay kedis nagu soo galeen arintuna ahayd arin xasaasiya. Waxay dhaheen aaway argagixisadii halkan soo gashay.

Aaway hogaamiyihii kooxda gaalayntu ayay ku qayliyeen iyo ma naqaan gurigana waa kii madaxweynaha maaha guri argagixiso ayay tiri Sucaad.


Hawlgalkan oo goobjoog uu ka ahaa hal askari oo Maraykana ayaa ku dhamaadey fashil maadaama sirdoon qaldan ku socdeen.

Anagu qaladka ma lihin waxaan ku soconay sirdoon qaldan ayuu yiri taliyaha waaxda Afrika.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.