X

Aduunyooy xaalkaa ba’ ma Abu Mansuurbaa maantana musharaxa

Aduunyooy xaalkaa ba’ ma Abu Mansuurbaa maantana musharax ah. Waxaan aad uga fikiray in Abuu Mansuur “Heeso looqaadayo” musharraxnimadiisa loogu ololeeynayo. Ma xagjir kii ugu weynaa ee ummada gaalaynaayay ayaa maantana loo heesayaa.</p


Waxaa yaab leh in Abu Mansuur sidoo kale ka qaybgalayo oo waxa lagu dooranayaa la dhaho “dimoqraadi” iyo nidaamka hadda reer-galbeedku wax u doortaan.
Waa yaabka yaabkiise, hadii la doorto wuxuu maamulka ku xukumayaa “Dastuurka Mamaulka Koonfur-Galbeed, oo ah Dastuur bini’aadam qoray.

Ugu dambeyn waxaa maamulka Koonfur-Galbeed jooga ciidamada Itoobiya, oo Amniga guud mas’uul ka ah, oo isaga iyo maamulkiisaba waardiyeeyn doona. Ma anigaa waalan mise Cadanbaa laga heesayaa!


Waa su’aal da’weyne oo madaxa daalineeysee, maxaa Ummadan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah lagu xasuuqayey mudada sanadaha ah?

Beri ma arki doonaa Cali Dheere oo musharaxa hadda waa xasuuqihii ugu wrynaa ee ku faani jirey dhiiga ummada Somaliyeed oo dhiigooda qaba kumanaan Somali ah.

Abu Mansuur wuxuu leeyahay waan toobad keenay haddana cadowgeyga koowaad waa isla kuwii saaxiibadii ahaa oo weli gaaleynaya dadkeena, dhiigooda iyo maalkoodana xalaashadey.


Dhalinyarow baraaruga oo muruqiina uga faaiideeya dadkiina intaad dhiigooda ku quraacan/qadeyn/cashayn lahaydeen cadceedii soo baxda iyo tii dhacdaba.

Qalinkii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.