X

Sirdoonka Maraykanka ayaa soo bandhigey nin ay sheegeen inuu ka tirsan argagixisada shabaab oo ay raadinayso

Washington–Sidroonka Maraykanka ayaa soo bandhigey sawirka nin ay sheegeen inuu ka tirsan argagixisada shabaab oo baxsad ah. Sirdoonka ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Liiban Xaaji Maxamed ayey saraakiisha FBIdu ku sheegeen nin adeegsada magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Maxamed ayaa ku noolaa waqooyiga Gobolka Virginia ee duleedka Washignton, isagoo taksiile ka ahaa sida ay sheegtay FBIdu.

FBIdu waxey sheegtay in intii uu Washington ku noolaa Maxamed uu ahaa qof al-shabab dhalinyarada u tashkiiliya, isla markaana uu taageero hiil iyo hooba leh u fidiyay al-Qacida iyo al-Shabab.

FBIdu waxey sheegtay inay aaminsantahay in Maxamed uu ka tagay Mareykanka bishii July sanadkii 2012kii, haatanna uu ku noolyahay bariga Africa isagoo la shaqeeya Al-shabab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.