X

Sirdoonka Maraykanka oo runta ka sheegay cida amartey dilkii Jamaal Khasowqi

Sirdoonka Maraykanka ayaa runta ka sheegay cida amartey dilkii Jamaal Khasowqi. Trump ayaa ilaa hadda diidan inuu eeda saaro saaxiibkii gacanku dhiigle Maxamed Salmaan oo ah dhaxalsugaha laakiin gacanta ku haya talada Sucuudiga.


Sirdoonka Maraykanka ee loo soo gaabiyo CIA ayaa wargeyska Washington Post ka soo xigtey in amarka dilka Jamaal uu bixiyay gacanku dhiigle Maxamed Salmaan.

Maxamed Salmaan ayaa raba inuu eeda saaro nin madow oo ahaa ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga oo lagu magacaabo Axmed Al-assiri kuna xukumo dil toogasho ah.


Qareenka Maxamed Salmaan ayaa usbuucii hore been cad la soo hor fadhiistey saxaafada oo ka socon weyday asagoo sheegay inuu 5 ka mida ragii diley ay ku xukumi doonaan dil qoorgeyn ah. Wuu diidey inuu magacaabo shanta nin iyo waxa kuwii kale loo sii daayay.

Jamaal Khasowqi ayaa si arxandaro muusiq loogu dul ciyaaray kadibna la raaciyay jirkiisa la jarjaray aashito sida ay sheegayaan sirdoonka Turkiga oo markiiba ooda ka feyday sida loo diley Jamaal Khasowqi.


Ilaa hadda meydkiisa lama hayo halka qareenka beenta lagu qabtey ee gacanku dhiigle Maxamed Salmaan uu diidey inuu sheego Turkida meydka loo dhiibey ee ay sheeganayaan.

Qashifaada sirdoonka Maraykanka ayaa meel xun saaraysa Trump oo sheegay inuuna cunaqabatayn saareyn Sucuudiga oo wadankiisa u abuura  malaayiin shaqooyina.

Wahaabiyada Sucuudiga ayaa diin qaldan ku faafisa aduunka, waxayna taageeraan dhamaan argagixisada ka jirta aduunka Muslimiinta.


Dadka arimahan noocana u dhuun daloola ayaa qaba in gacanku dhiigle Maxamed Salmaan uu haysto lacag uu kaga badbaado fadeexad noocana uuna haysto taageerada Yuhuuda iyo Marakanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.