X

Ololaha isxilqaan oo xawli uga socda Muqdisho: SAWIRO

Ololaha isxilqaan ayaa xawliya uga socda Muqdisho. Waxa doorkana shaqaaluhu ka qayb qaateen matxafkii qaranka oo marhore la bililiqaystey dhismaha ay ka dhigteen dhufeys maleeshiyadii USC ee Itoobiya wadatey.

“Isxilqaamayaashu gacan waxay kaga qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga, waad u jeedaan maantana waxaan dardargelinay dib-u-hagaajinta Matxafka Qaranka.”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hawshan ka qayb qaatey ayaa ugu baaqay cid walba oo degan hantida danta guud in ay baneeyaan si dib loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.