Muqdisho–Sirdoonka Somalida oo u waramay idaacadaha qaar ayaa sheegay in qolyihii qarxiyay huteelka ay ahaayeen laba ruux oo ah nin iyo naag iyadoo naagta la sheegay in ay isku qarxiyay huteelka gudihiisa. Hawwenayda ayaa lagu sheegay magaceeda Luul Axmed Daahir inkastoo aan la sheegin in ninka ay xaas wada ahaayeen.
Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP Ismaaciil Muuse ayaa la oran jirey ninka ka dambeeyay gaariga qarxay halka Luula Axmed Daahir ay isku qarxisay hotelka gudihiisa xilligii salaada jimce.
AFP ayaa qortay in haweeneyda is qarxisay ay muddo afar bilood ah ka shaqeynaysay hotelka. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay labada ruux balse aan la xaqiijin in ay ahaayeen xaas.
Argagixisada falkan diinta ka fog gaysatay ayaa xasuuqay in ka badan 20 qof halka dhaawacuna gaarayo ilaa afartan oo dawladaha Turkiga iyo imaaraadku kala qaadeen siiba kuwooda xun.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay