Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP Ismaaciil Muuse ayaa la oran jirey ninka ka dambeeyay gaariga qarxay halka Luula Axmed Daahir ay isku qarxisay hotelka gudihiisa xilligii salaada jimce.
AFP ayaa qortay in haweeneyda is qarxisay ay muddo afar bilood ah ka shaqeynaysay hotelka. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay labada ruux balse aan la xaqiijin in ay ahaayeen xaas.
Argagixisada falkan diinta ka fog gaysatay ayaa xasuuqay in ka badan 20 qof halka dhaawacuna gaarayo ilaa afartan oo dawladaha Turkiga iyo imaaraadku kala qaadeen siiba kuwooda xun.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS