X

Sirdoonka Somaliya oo horumar sameeyay iyo argagixis markiiba la qabtey

Sirdoonka qaranka ee afka qalaad loogu soo gaabiyo NISA ayaa dhuunta u galay argagixisada kadib ayagoo guulo is dabajooga Ka gaaray gacan Ku soo dhigida argagixisada miinada u aasaya ummada.  Hay’adda ayaa soo bandhigtey nin magaciisa ayna sheegin oo miino dhigaayay.


Waxa baryahan jirtey guulo is daba jooga oo hay’adda Ka gaaraysay soo qabashada argagixisada xasuuqaya dadkeena. Waxay taasi yaraysay is qarxinta waxayna baqdin gelisay argagixisada.


Ciidamada Amniga ayaa xalay gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan dhiigmiiratada Alshabaab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh.”


Horumarka ay sameeyeen hay’adda sirdoonku ayaa aad loo amaana, waana wax lagu farxo inkastoo dhinaca cadaalada ay aad u liidayo oo ay qaadato sanad ugu yaraan inta abaalkooda la marinayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.