X

Sirdoonka Somaliya oo qabtey aragagixiso kaamaro ku qarsaday qarax

Sirdoonka Somaliya ee afka qalaad loogu soo gaabiyo NISA ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen argagixiso kaamaro soo habaystey kuna soo qariyay qarax. Ninkan kaamarada soo habaystey ayaa iska dhigayay inuu weriye yahay.



Kaamaro lagu soo dhex rakibo qarax wax cusub maaha laakiin waxay ku cusub tahay Somaliya haddii ay qarxi lahayd. Qarax kaamaro lagu xidhey ayaa lagu diley Axmed shaah Mascuud xilli loogu yeeray shir jaraaid.


Sirdoonka ayaa ninka kaamarada noocana watay ku qabtey degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir halkaas oo ay ka socotay xaflad ay ka soo qayb galaayeen masuuliyiinta gobolka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.