London–Shirkad u muuqata in loo abuurey Somaliya ee sahamisa saliida loona bixiyay Soma ayaa diyaarisey macluumaadkii ku saabsanaa heerka uu gaarsiisan yahay saliida ku jirta dalka. Shirkadan oo uu madax u yahay gudoomiyihii hore ee xisbiga talada haya Ingiriiska Michael Howard ayaa sheegtay in ay diyaar tahay macluumaadka ay sanadka wadeen.
Waxay shirkadu sheegtay in ilaa hadda ay ku baxeen 40 milyan oo doolar wax dhibaato ahna kala kulmin sahaminta saliida ku jiri karta Somaliya oo dhan.
Shirkada ayaa sheegtay in macluumaadkaas ay dawlada Somaliya u gudbin doonaan dabayaaqada sanadkan ama horaanta sanadka soo socda. Waxase la isla dhexmarayaa in ay diyaarisey heshiis aad u hunguri xun oo ay boqolkiiba 90 ku qaadanayso dakhliga ka soo bixi kara iibka saliida Somaliya oo u baahan shilinkasta si ay dhaqaalaheeda iyo dadkeeda dib ugu dhisto.
Shirkada ayaa soo jeedisay in 50,000 kun ee foosto eeĀ ugu horeeya oo qiimahoodu noqdo 70 doolar foostadiiba ay shirkadu qaadanayso boqolkiiba 70 halka dawladuna qaadanayso boqolkiiba sodon haduu ka sarakacana dawladu qaadan doonto boqolkiiba 30 halka shirkaduna qaadan doonto boqolkiiba 70.
Waxa shirkadu hadana soo jeedisey in cashuurta laga daayo 10-ka sano ee ugu horeeya kaas oo dawlada Somaliya ka xayuubinaya dakhli ay u baahan tahay.
Tan ugu daran ayaa ah in shirkadu koonto ku haysato ceelasha gaagaaban ee 1000 mitir hoos u dhaadhaca halka kuwa ka dhaadheerna ay codsanayso in lix sano ay iyadu lahaato.
Dawlada Somaliya ayaan ilaa hadda saxiixin wax heshiisa oo ku saabsan arimaha kore sida laga soo xigtey wasiirka batroolka Maxamud Mukhtar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay