X

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo Xasan Sheekh u sheegay war dhiirigelin ah oo ku saabsan Somaliland

Muqdisho–Siyaasiga reer Woqooyiga ah ee Ismaaciil Hure Buubaa ayaa arin dhiirigelin ah u sheegay u sheegasy Xasan Sheekh oo hadda cadaadis ku socda sidii uu waxgaradka reer Woqooyiga uga reebi lahaa wadahadalka uu doonayo in uu dib ugu bilaabo maamulka Somaliland ee aan la garanayn cida ka talisa.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaiya Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa warkii ugu adkaa u sheegay Maamulka Somaliland ka dib mar uu ka hadlay arimo badan oo ku aadan gooni gooni goosadka.

Buubaa waxa uu sheegay in Somaliland ay dan ugu jirto in ay ka mid noqoto maamula ka jira Soomaaliya. Waxa uu sheegay in shacabka Somaliland badi aanay doonayn in dalka uu kala qeyb noqdo hase yeeshee maamulku aanu fursad siinayn dadka wadan jaceylka ah.

Dowladda Federaalka ayuu Buubaa u sheegay in aysan ka laaban xubnaha u matalaya shirka wada hadalka hadii kale waxa uu sheegay in caalamka ay u arki doonaan taasi in dawlada Somaliya ay qeyb ka tahay kala go’a.

Soomaaliya ayuu sheegay Buubaa in ay mid tahay islamarkaana aanay kala jari karin Somaliland waxaana uu cadeeyay in isaga uu yahay shaqsi gobolada Waqooyi gaar ahaan Somaliland ah balse aanu rabin in la kala qeybsamo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.