X

Siyaasi ku baaqay in la tirtiro wasaarad tuugsi loo abuuray

Siyaasiga Amiin Daahir Jeesow ayaa ku baaqay in dawladu tirtiro wasaarad tuugsi loo abuuray oo gebi ahaanteedba u samaynsan hay’adaha dhiigmiiratada ee ku nool dadka Somaliyeed. Wasaaradaas oo loo yaqaan wasaarada gargaarka iyo masiibooyinka qaranka.


Dawlada Somaliya ayaa waxa ka buuxa wasiiro badan oo fadhiga wax ku cuna oo lagu buuxiyo sheekada 4.5 ee qabiilka ee hoos u sii socota. Waxa lacagta wasaaradahaas looga faaiideysan lahaa in dadka shaqo loogu abuuro.

”Farmaajo iyo xukuumadiisa ayaa ku fashilantey inay shaqooyin abuurto iyadoo kharashka dalka ka soo baxa iyo kan tuugsiga lagu keeno keliya ay ku baxdo xildihibaanada iyo ciidanka ayuu yiri Cali Calasow.


Dalku ma qaadi karo 28 wasaaradood ee wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 10 wasaaradood oo tayo oo u adeega dadka guud ahaan. Siyaasi Amiin Daahir Jeesow ayaa qaba in wasaaradaas la tirtirio ayna u yeeri doonaan wasiirka qorsheynta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.