X

Imaaraadka oo sheegay inay fududeeyeen khamriga xilli Yuhuuda la xirteen

Wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya la fududeeyay khamriga oo laga iibin karo dadka da’doodu ka weyn tahay 21. Waxa kale oo meesha laga saaray in qofka khamriga wata xadhig loo taxaabo.


Sharci cusub oo maanta ay soo saareen ayay ku sheegeen in ajaanib kasta oo dalka jooga lagu xukumi doono sharciga dalka uu ka yimi markay timaado guurka iyo furiinka iyo weliba hantida aan ka ahayn mida laga iibsaday Imaaraadka.

Waxay kaloo meesha ka saareen in dadka aan is qabin la baacsado oo xor u yihiin huteelada iyo meelaha kale inkastoo marka horeba ayna jirin dad wada socda oo la joojiyo.


Sharcigan cusub oo lagu soo dhaweynayo gaalada xilli Yuhuuda ay xiriir la furteen ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya in ajaanibta lagu xukumo sharciga Islaamka ee shareecada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.