X

Siyaasiyiin reer Awdala oo hore u fashilmey oo qoraal soo saaray

Siyaasiyiin reer Awdala oo hore u fashilmey kana tirsanaa maamulkii Siilaanyo iyo Kan Muuse Biixi ayaa amrey Muuse Biixi inuu diyaariyo shir looga hadlayo saami qaybsiga maamulka Somaliland oo hadda beesha dhexe ku shubatey bilaabeena inay is cunaan.

Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal oo qodobada  akhriyay ayaa sidoo kale laga dalbadey beesha dhexe inay taageerto shirka looga hadlayo saami qaybsiga.

Qodobada waxa ku jira inaan doorasho Ka dhicin gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley inta la xalinayo wax wada lahaanshaha maamulkan isku magacaabay Somaliland.

Maaha markii ugu horeysay ee siyaasiyiin reer Awdala oo boosas raadinaya ay dalbadaan in saamiga wax laga
bedelo waayo waxa loo Kala ordaayo ayaa ah boosas iyo shilimaad Muuse Biixi soo tuuro.

Muuse Biixi ayaa lagu yaqaan caadiyan inaanu u jawaabin reer Awdal laakiin u diro dad uu Ka mid yahay Saylici soona aamusiiya sidii hore u dhici jirtey.

Qodobada uu akhriyay Maxamed Jaamac Abgaal oo hore wasiir uga ahaa maamulka Lana dagaalami jirey kacdoonkii Suldaan Wabar ayaa yimi kadib markii ay jeediyeen qudbado calaacala oo farabadan.

Somalidu waxay yiraa nin aan warankaagu helin hadalkaagua galo. Fadhi wax igu sii Isaaqow iyagaa isku siin lahaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.