Siyaasiyiinta Somalida ayaa soo dhaweeyay is casilaada Jawaari. Jawaari oo la kulmey madaxweynaha ayaa ku qancay inuu lumiyay kalsoonida barlamaanka sidaasna isku casilay.
Xildhibaanada taageersan oo aan badneyn ayaa ku doodayay in loo qaado cod qarsoodiya, waxase dadku leeyihiin waxa soo dedejisay is casilaadiisa lacagtii lagu qabtey madaarka oo ay leyihiin waxa loo wadey xildhibaanada ka wada soo jeedinta.
Maanta oo Isniin ah ayaa loo balansanaa kulanka golaha Shacabka si looga doodo mooshinka laga gudbiyey gudoomiye Jawaari wuxuuse dhiibtey is casilaad intii sharaftu ka dhici lahayd.
Xaaf oo ka yimi Jabuuti sheegayna in uu dekedda Hobyo kala hadlayo si dhaqsana loo bilaabayo ayaa sheegay inu so dhaweeynayo iscasilaada si looga baxo isqabqabsiga.
Hoos ka daawo qaar ka mida siyaasiinta oo fikirkooda ka dhiibtey
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=O709LlD3vIU[/embedyt]
Halkana ka daawo dadweynaha Garoowe oo iyaguna ka hadley
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=uyHxYrVhW4o[/embedyt]
C/llaahio Warmooge
ARAABINEWS