X

Soomaaliya oo kow ka ah wadamada dhoofiya sisinta iyo liin dhanaanta

Wasiirka beeraha ee dawlada dhexe ayaa war fiican ka sheegay beeraha dalka iyo wax soo saarka. Wasiirka oo inta badan aan la waraysan ayaa sheegay in wax soo saarka beeraha meelo badan guulo laga gaaray.


Wuxuu sheegay in sisinta iyo linta laga sameeyay horumar aad u fiican oo hadda ay dalka soo geliyaan kharash fiican sidaa ay tahayna aan si fiican loo maalgelin.

Soomaaliya oo leh laba webi ayaan haba yaraatee ka faaiideysan atadoo loo aanaynayo dhinaca amniga iyo dhaqaale fiican oo aan la gelinin beeraha.


Maamuladii isaga dambeeyay dalka min Sheekh Shariif ilaa Farmaajo ayaa ku fashilmney inay dadka heeryada ka dulqaadaan, ayadoo shilinka soo gala dalka lagu bixiyo amiga iyo mishaharada shaqaalaha. Mana jirto cashuuro loo qaado sidii la rabay halka dhinaca kalana ay maamul jufeedyadu jaqeen xooihii ummada ee ku bixi dib u soo nooleynta ummada.


”Sisinta, Muuska iyo liin dhanaanta ayaan hadda dawladu ka heshaa lacag fiican, waxana inta badan loo dhoofiyaa dalaka Sucuudiga iyo TUrkiga ayuu yiru wasiirka.

Warkan ayaa imaanaya xilli dawladu hirgelisay sharciga beeraha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.