November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Somali badan oo ku biirey ciidanka Yaman ee Koofurta dalkaasi

Somali badan ayaa ku biirey ciidanka Yaman ee Koofurta dalkaasi sida warar la ogaadey ay xaqiijeen. Dhalinyartan ayaa u badan kuwo ku korey dalkaasi Yaman.



Sucuudiga ayaa dhabarjebiyay dalkaasi fiqiirka ee ay jaarka yihiin iskuna dadka yihiin. Dawlada Xuutiyiinta iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax ayaa Sucuudiga u ogolaan waayay in uu danihiisa ka fushado dalkaasi.



Sucuudiga oo taageero ka helaya Yuhuuda, iyo Maraykanka ayaa hub casri oo Maraykanku siiyay ku garaaca dalkaasi. Sargaal u hadlay ciidanka Yaman ayaa sheegay in muwaadiniin Somali ah ku dhintey dagaal xadka ku dhexmaray ciidanka Sucuudiga iyo kuwa Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS