X

Somali galbeed maxay ka faaiiday is bedelka ku yimi Itoobiya?

Waxa hadda laga joogaa afar sanno intii isbedel lagu raystay uu ka dhacay Itoobiya halkaas oo ugu dambeyn qoomiyada ugu badan Itoobiya ee Oromadu ay xukunka agtooda ah gacanta ku dhigeen.


Isbedelkaas weyn ayaa laga dareemay dhamaan geeska, waxana ugu horeyn jac ay kyu dhacday Maraykanka oo Tigreega u isticmaali jirey inuu ku qaso Somaliya. ”Lacag badan iyo dhiig ayaa Tigree ku bixiyay sidii Somaliya ayna marnaba cagaheeda ugu istaagin ayuu yiri Xirsi Warfaa.

Haddaba is-bedelkaas Cabi Axmed sidee ayaa looga faaiideystay Somali galbeed oo markiiba laga dulqaaday nin argagixisada iyo wahaabiyada aan soo dhawaysan laakiin u xun dadkiisa jahli awgii.


”Cabi Axmed wuxuu magacaabay Mustafe Cagjar oo sadex sano kadib ku shubtey doorashadii dhacday nasiib daro deegaanku wuxuu la daalaa dhacayaa maamul xuo baahsan iyo horumar xumo ayuu qabaa Xirsi Warfaa.

Waxaad arkaysaa dhismayaal lacag badan lagu qasaariyo, gobolada qaar oo si qabiilaysan wax loogu dhisayo sida wadooyin iyo biyo halka gobolada badankooda ayna ka jirin wax horumara ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.



Isku soo duuboo isbedelka ka dhacay Itoobiya ee uu horkacayo Cabi Axmed waad hadli kartaa mooyee, inkastoo tii Mustafe Cagjar ku eryado dadka qaar, ma jiro wax la taabn karo oo soo kordhay.

Waxa gobolku si degdega ugu baahan yahay shaqsi cusub oo la jaan qaadi kara isbedelkaas gobolkana xaqiisa siiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.