X

Iiraan oo si geesinimo ah u sheegtay inay Ruushka siisay

Iiraan ayaa si cad u sheegtay inay Ruushka ka iibisay diyaaradaha aan is wadin ee khasaaraha weyn u gaystey Yukrayn. ”Gnataalo maanu siinin Ruushka waxaanse siinay diyaaradaha aan is wadin kahor inta Ruushku dagaalka qaadin ayuu yiri sarkaal u hadlay Iiraan.


Iiraan ayaa hadda aragta inayna jirin cid laga qarsado taageerada ay u hayso Ruushka oo 27 dawladood oo Maraykanku horkacayo ay weerar ku qaadeen Ruushka. Milatariga Ruushka ayaa inta badan ciidankiisu ku dhinteen dagaalka aan tooska ahayn ee guryaha dhexdooda bilowgii dagaalka.


Hawlgalka gaarka ah ee Ruushku ku xoreeyay deegaano badan oo dadkiisu dego ayaa inta badan guul ku dhamaaday, inta badan ma jirto dagaal fool ka foola oo Yukrayn u babac dhigi karto Ruushka, waxayse ku gabadaan magaaloyinka dhexdooda sida argagixisada waana halka ay Ruushka uga adkaadeen.

”Dagaal guri ma dhamaado waayo daaqad lagaa soo tooganayo ma arkaysid ayuu yiri sarkaal u hadlay Ruushka. Iiraan oo arkaysa dagaalka reer galbeedku ku soo qaadeen Ruushka ayaa wadamo iyadu ay ku jirto ayna ka gaabsan karin, inay taraan wixii ay awoodaan.


Ruushka inkastoo ay sameeyaan diyaaradaha aan is wadin haddana Iiraan waxay ka mid tahay wadamada ilaa in muddo ahba horumar ka gaaray samaynta diyaaradaha aan iswadin.



Wadamada Muslimiinta ayayna faaiido ugu jirin Ruushka oo reer galbeedku u burburiyaan dhaqaale ahaan iyo ciidamo calooshood u shaqaysteyaala oo ay ku daldalaan Yukrayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.