Warka laga helaayo gobolka Woqooyo Bari ayaa sheegaya in ciidanka Kiiniya gubeen gawaadhi badeeco sidey oo ay Somali leeyihiin. Ciidanka Kiiniya oo dhinaca dhaqaalaha kala dagaalamaya Somalida ayaa hore u gubey goobo ganacsi oo Somalidu leeyihiin.
Dad Ka agdhawaa goobta lagu gubey gawaadhida ayaa sheegay in ciidanku si ula kaca u gubeen kadib markey ogaadeen in gawaadhida badeeco sido ayagoo marmarsiiyo Ka dhiganaya in aan la ogoleyn.
Dadkii lahaa badeecada ayaa qaylo-dhaan Ka soo saaray ayadoo ay muuqato inayna jirin Cid waabisa nijaasta Kiiniyaanka, oo hore u xasuuqay Somali badan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS