Somali ku xaniban deegaan u dhexeeya dhulka Somalida iyo Oromada oo la yiraa Guji. Deegaankan ayaa ayaa waxa ku soo barakacay Somali ka timi deegaano u dhow halka ay degan yihiin ciidan beeleedka Oromada.
Goobtan Guji ee Somalidu ku sugan tahay ayaa waxa jooga ciidan booliis ah oo ka tirsan dawlada dhexe ee Itoobiya. Waxay Somalidu dalbadeen gurmad deg dega in lala soo gaaro naadaama halka ay ku sugan yihiin tahay goob ciidan oo caafimaadkedu xun yahay.
Waxa la sheegay haween ku umuley isla xerada oo aan helin wax daryeela. Waxay sheegeen inayna jirin meel ay u baxaan haday baxaana ka baqayaan in ciidanka Oromadu disho.
Waxay ugu baaqeen dawlada dhexe ee Itoobiya iyo dawlad deegaanka in goobtan laga soo gaaro.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay