Axmed Sheekh Nuur Faarax oo ah gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Somaliyeed ee Angola ayaa cadeeyay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in dadkaas uu ku dhacay cudurkaas, isla markaa kuwa kale ay la il daran yihiin cudurka.
Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Angola ayaa tilmaamay in ay jiraan cudurkaas uu ku dhacay oo dalka Soomaaliya dib ugu laabtay ama meelihii ay ka yimaadeen isla markaana ay halkaas geyn karaan cudurka ay wataan.
Dalka Angola waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo ah ganacsado in kastoo ay jiraan qoysaska halkaas muddo ku noolaa.
Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa Khamiistii shaley sheegtay in cudurkaas oo ka dilaacay dalka Angola bishii December sannadkii ay u dhinteen in ka badan 150 qof.
Sidoo kale WHO ayaa sheegtay in cudurkaas uu soo ritay in ka badan 420 qof.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS