X

Somalida laga soo celiyay xerooyinka qaxootiga Yaman oo kordhey

Somalida laga soo celiyay xerooyinka qaxootiga Yaman ayaa kordhey. Qaxootigan Somalida ayaa iskood u tagy Yaman xilliyadii burburka dalka ayagoo dagaal iyo gaajo ka ordaaya, waxayse Yaman kala kulmeen kufsi iyo ayagoo ku nool nolosha ugu xun aduunka.


Hay’ada soo daadgureynaysa Somalida rabta inay dib ugu noqoto dalkooda ayaa ku cuntey malaayiin dololar laakiin sanadkan sheegtay inay celiyeen dad gaaraya ilaa 2000 oo qof.

Haweenka Somalida ee ku nool tuulada qaxootiga ee Basateen ayaa ku nool ka ganacsiga jirkooda, waxase xaaladooda ka sii daray dagaal diimeedka Sucuudigu ku qaaday Yaman.


Dadka la soo celiyay ayaa u badan haween iyo caruur. Dadkan la celinayo ayaa la sii shilimaad ay noloshooda ku dabaraan iyo mid deganaansho oo aan badneyn.

Waxa kale oo la siiyaa lacag ay caruurtooda wax ku baraan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.