X

Somalida Ustareeliya oo ka qayliyay nin argagixiso ah oo midi shacab ku weeraray

Somalida Ustareeliya ayaa ka qayliyay nin Somali ah oo argagixiso ah oo midi shacab ku weeraray magaalada Meelban ee dalkaasi. Ninkan oo hadda la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Shire waana 31 jir.


Wuxuu midi ku diley nin Ustareeliyaana laba kalana waa dhaawacay. Booliiska ayaa tagey guriga ninkani ku noolaa oo waalidkii deganaa laakiin kama helin wax sira.

Ninkan ayaa shalay oo Jimce ahayd gelinkii dambe midida suuqa la raacay dadka. Dadka uu dhaawacay waxa ku jira nin isagu ku soo cararay si uu badbaadiyo dadka kale, taas oo ku yar dadka gaalada dhexdeeda.


Nin kale oo isagu waardiye ka ahaa suuq laga adeegto ayaa isagana uu qoorta ka geliyay midida, inkastoo la sheegay inuu ka bogsoodey dhaawaca markii la toley.

Booliiska oo soo gaarey goobta ayaa laabta ka toogetey Xasan Khaliif Shire Cali oo markii dambe u dhintey dhaawicii rasaasta.


Somalida Ustareeliya ayaa ka qayliyay ninkan oo loo malaynayo in maskaxda wax uga dhiman yihiin ayna adeegsadeen kooxda gaaleynta Muslimiinta ee Daacish.

Sawirka hoose waa inta aan ummada laga qaban Xasan Khaliif

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.