13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Somaliland oo jawaab ku baboon siisay jasiirada Siishalis

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sii daayay dhalinyar Somali ah oo jasiirada ku naaxdey kaluunkeena ay soo qabatey kuna eedaysay burcad badeednimo kadibna u jareen min 30 sano oo xariga.

Isfahan ayaa laga gaaray in dhalinyartaa loo gudbiyo xabsi loo dhisay oo ku yaala Hargeysa oo ay bixiso qarashkeeda Siishalis iyo qaramada midoobey.



Waxay xabsigaa ku jireen sagaal sano oo sharci daro ah waxana maamulka Somaliland sii daayay dhawaan arintaas oo Somali oo dhan soo dhaweysay.

Sii deynta waxa la cadhoodey jasiiradaas kaluunkeena kunaaxdey oo yiri heshiiska sidaas maahayn.

Somaliland ayaa ugu jawaabtey in maxaabiistu Somali yihiin ayna Siishalinsna noo dhiiban sharcina aan u leenahay dhalinyaradan sagaalka soo liqay in aan sii deyno.



“Waa faaiidadii ugu horeeyay ee laga hayo Muuse Biixi oo ilaa hadda jahwareer iyo qabyaalad mooyee wax kale laga hayn ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga wuuna ogyahay inuu taageero laga gelato Somaliya jaraan hoosba ugala tashan dawlada dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS