X

Somaliland oo ka sii tagtey jeegaan-land hadana noqotey Muuse Biixi jufo-land

Magaca Somaliland oo marhore lagu kala tagey ahaydna maamul jufada ISAAQ ku amar ku taagleyso ayaa doorashadii waxa is bahaystey laba jufood oo ISAAQA ayagoo kuwa darifyada lacago u kala qaybiyay ay ku kula jabiyaan.

Hadase waxay noqotey intii Muuse Biixi booska loo daayay mid uu beeshiisa hoose ku sii aruuriyo kuraasta muhiimka ah ee maamulka.


Isku bedelkii u dambeeyay ayuu ku adkeeyay rukumada beeshiisa asagoo maqaar saar ka dhigtey wasiir Dhulbahante oo laga nacay deegaanada uu sheegto ee Sool inuu u noqdo wasiir arimo dibedeed aan jirin.


Hoos ka fiiri boosaska maamulka Somaliland ee jufada Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland
Wasiirka Maaliyada Somaliland
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Somaliland
Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland
Wasiirka Gadiidka Somaliland
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka
Garyaqaanka Guud Ee Dalka
Hanti Dhawraha Guud ee Somaliland
Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska
Wasiir Ku xigeenka arimaha gudaha

”Waan yaabay maxaa meeshan loogu tilmaamaa magaca Somaliland oo ah magac Ingiriis ka tagey oo ah dhulkii Somaliyeed ee Ingiriisku joogey ayuu yiri C/risaaq Xandulle oo Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.