X

Somaliya ayadoo xora ayay diidey inay lugaha qabsato wahaabiyada Sucuudiga: Dayib Erduqaan

(FILES) In this file photo taken on July 25, 2019, Turkey's President Recep Tayyip Erdogan (L) and Malaysia's Prime Minister Mahathir Mohamad (R) review the guards of honour during an official welcoming ceremony at Presidential Complex in Ankara. - Malaysia will this week December 2019 host a summit of Muslim leaders billed as a forum to look at the Islamic world's problems, but it will be closely watched for Middle East power plays and their stance on China's Uighur minority. (Photo by Adem ALTAN / AFP) / TO GO WITH AFP STORY MIDEAST-MALAYSIA-SUMMIT,ADVANCER BY SAM REEVES

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa si cajiiba uga hadley Somaliya, sheegayna in dalku xaalad adag ku jirto ayadoo sidaas tahayna uu diidey inuu lugaha qabsato wahaabiyada Sucuudiga la sheegayna inay rabtey inay Somaliya Ku iibsato 70 milyan oo doolar.


Madaxweynaha oo ka qayb galay shir uu Ku casuumay raiisal wasaaraha Malaysiya Mahatiya Maxamed ayaa is barbar dhigey Somaliya oo dawladu diciif tahay iyo Bakistaan oo ah dawlad musuqa laakiin haysata ciidan ay dalkeeda Ku difaacdo.

Shirkan oo dhowr dawladood lagu casuumay oo ay Ku jiraan Sucuudiga, Bakistaan, Imaaraadka, Qadar, Iiraan, Turkiga, Indooniisiya iyo kuwo kale ayaa waxa cudurdaar diidmo sheegtay amiirka dhagaraysan ee Sucuudiga. Waxase uula hadhay Bakistaan, Indooniisiya iyo Imaaraadka.


Shirka ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu soo afjaro muranka diimeed ee Wahaabiyada Sucuudiga iyo dalalka kale sida Turkiga iyo Iiraan.

“Bal eeg Somaliya oo xaalad adag ku jirta way diidey inay lugaha qabsato wahaabiyada halka Bakistaan oo awood nukliyeera leh uu ku qasbey Sucuudigu inayna Iman shirka ayuu yiri Dayib Erduqaan oo runta la gaban.


Somaliya way soo kacaysaa hadda waana caawimadda aan u fidino ee difaac iyo dhaqaale, ma jirto wax caawimaada oo  haba yaraatee ay siiyaan labada dal ee Sucuudiga iyo Imaaraadka inay qasaan mooyee ayuu raaciyay Dayib.

Waa u caadi Sucuudiga inay wadamada fiqiirka u cago jugleeyaan, waana ta ku dhacdey Bakistaan oo ay ugu hanjabeen inay shaqaalaha jooga dalkooda soo celin doonaan kuna bedeli doonaan Bangaaladheesh ayuu yiri Dayib.


Safaaradaha Somaliya

Waxa la yaable dawladaha lagu tilmaamey inay yihiin kuwo waaweyn hal guri oo safaarad ah oo dhisan kuma laha Muqdisho, waxayse qolfoof taandho ah ku keeyihiin xerada Xalane ayuu Ku qarxiyay Dayib.

Turkiga ayaa safaarada ugu weyn aduunka ku leh caasimadda dalka kana dhisay xarumooyin badan iyo goobo cibaado oo waaweyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.