X

Somaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay maalgeshiga afar dekedood: SAWIRO

Somaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay maalgeshiga afar dekedood. Heshiiskan ayaa imaanaya kadib booqasho taariikhiya oo RW cusub ee Itoobiya Abiy Axmed Cali ku yimi Muqdisho.



Intii Abiy Axmed Cali loo dhiibey xukunka Itoobiya waxa furmey waa cusub Muslimiinta Itoobiya iyo Somalid ayagoo dareemay in Itoobiya cadow ku ahayn.

Waxa Tigreegu bilaabay inay xididada u siibaan Abiy Axmed wayse ku burburi doonaan inkastoo gaalo caawin doonto.

Soo dhaweyn aan hore loo arag ayaa loogu sameeyay Abiy Axmed garoonka magaalada Muqdisho ayadoo la filayo in booqashadiisu qaadan doonto hal maalin.



Somaliya ayaa dekedo ku filan haysata kana caawin doonta Itoobiya inay mid siiso inta dalkaasi Muslimiintu haystaan.

Heshiiska dekedahan ayaa imaanaysa ayadoo Itoobiya sheegtay inayna sii wadeyn heshiiskii dekeda Berbera ayna ka boodeyna dawlada dhexe.



Booqashadan ayaa si aada loogu farxay ayadoo Abiy Axmed yahay madaxii labaad ee yimaada Somaliya intii burburka marka laga yimaado madaxda urur goboledka IGAD oo iyagu shir ku yeeshay Muqdisho.

Itoobiya ayaa dhinaca kale raadinayso inay dhisato ciidanka badda si maciishadeeda u ilaashato laakiin ayna macquul ahayn ayadoo aanan haysan deked.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa labaduba aaminsan in ganacsigu u baahan yahay wixii lagu fulin lahaa sida wadooyin iyo amni taas oo ka muuqatey qudbad a wada jeediyeen.

Lama magacaabin afar dekedood kuwa ay noqon doonaan, waxase laysla qaatey in gudiyo la magacaabo ka wada shaqeeya hawlaha ganacsi oo dhan.

RW Axmed Abiy ayaa hadda dib ugu noqdey caasimada dalkiisa, waxana sagootiyay RW Xasan Cali Kheyre.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.