X

Somaliya iyo qaramada midoobey oo dalbadey lacag gaaraysa 80 milyan

Somaliya iyo qaramada midoobey ayaa dalbadey lacag gaaraysa 80 milyan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Fatahaadii ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo hadda u baahan gargaar deg deg ah.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) waxaa uu sheegay dhankiisa in roobabkii ka da’ay Soomaaliya in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah.



Waxaa uu sidoo kale uu sheegay Xafiisku in ay jiraan Khasaare ballaaran sidda naf ,maal , barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan 80 Milyan si wax looga qabto dhibaatadda.



Dadka wax ku noqday waxaa lagu qiyaasay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.