X

Somaliya ma u maashaa Turkiga sidii la rabay

Turkigu wuxuu yimi Somaliya muddo hadda laga joogo 10 sano ku dhawaad xilli dalka uu ka socday dagaal ayna ugu biirtey abaar xun. Waxay taasi dalka ku soo jeedisay aduunka reer galbeedka qaasatan wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo dareemay in dalka ay iyagu hoga ku rideen uu soo kaban karo.


ā€¯Turkigu wuu gaaray ujeedadiisii waxana markiiba kor u kacay alaabta aan ka soo dhoofsano Turkiga halka isaguna inoo qaaday arday inta badan soo bartay luqadiisa laakiin aan soo baran tacliinta dalku u baahan yahay iyo xirfadaha.

Waxana eeda weyn iska leh maamulkii markaa jirey ee fadhiid Shariif sh Axmed uu Turkiga u direy arday aan xataa dugsiba gelin oo si qabiila loo aruuriyay oo badankooda dib loo soo celiyay ayuu yiri Cali Calasow.


Turkiga oo isha ku haya suuqan dihan ee Somaliya ayaa si wanaagsan ula shaqeeya dawlada dhexe ee dalka asagoo ka fogaaday maamul jufeedyada aan sida tooska ah u ogoleyn in la xukumo.

Muddo aan fogeynba waxa sara u kacay xiriirka labada dal waxana Turkiga ku qulquley Somali aad u farabadan oo ilaa hadda ku qulqulaya, ayagoo ku sameeyay maalgashi, hsaba u badnaadaan dadka qurbaha ku yimide.


Waxa kor u kacay ganacsiga u dhexeeya labada dal oo gaaray ilaa 300 oo milyan halka uu toban sano kahor ahaa wax ka yar 3 milyan. Turkigu wuxuu miisaaniyada ka kabaa dakhliga dawlada oo inta badan ku baxa meelo aan muhiim ahayn sida mishaharka.

Haddaba Turkiga maloo maalaa sidii la rabay

Jawaabta kooban waa maya waayo nidaamka dawladnimada ee inoo dhisan ayaa xadidaysa in horumar balaadhan degdeg loo gaaro siiba dhinaca amniga iyo cunaqataynta dalka saaran.


Dhacdadii ka dhacday Afqaanistaan ee dalkaasi gacanta loogu geliyay argagixisada waxay tusaale u tahay in Somaliya isku halayn karayn askar shisheeye waa haddii ay rabto inay noqoto dal dhisma, waana halka Turkigu buuxiin karo.


Turkigu wuxuu u nugul yahay Somaliya inkastoo aanu haysan dhaqaale buuran haddana wuxuu si fiican u dhisi karaa haykalka dhaqaalaha dalka taasina waxay u baahan dawlad karti leh. Waxase lagu farxi karaa in afartii sano ee la soo dhaafay meelo wax laga sii qaadi karo in la gaarsiiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.