X

Dayib Erduqaan oo markale ka caraysiiyay Maraykanka

Madaxweynaha Turkiga ayaa markale sheegay inay dalkiisu lidka diyaaradaha ee S-400 ka soo iibsan doonaan qayb kale si ay u adkeeyaan difaaca cirka ee dalkooda. ”Markaan hadda aado Ruushka ayaan markale ka wada hadli doonaa sidii aan u dhamayn lahayn qayb kale oo ah gantaalaha S-400 ayuu yiri Dayib Erduqaan.


Turkiga ayaa laba sanno kahor Ruushka ka iibsaday gantaalaha casriga ah ee waxba la’aanta ka dhigaya diyaaradaha casriga ee Maraykanka, waxana Maraykanku ku soo rogey Turkiga cunaqatayn dhinaca hubka iyo weliba isagoo ka saaray dhismaha diyaaradiisa dagaalka ee F35.


Turkiga ayaa isna inta uu karayo cunaqabatayn la mida ku soo rogey Maraykanka kuna hanjabay inuu xirayo saldhiga ugu weyn ee lagu burburiyay labada wadan ee Ciraaq iyo Suuriya.

”Inkastoo ayna ogoleyn haddana wey naga go’an tahay inaan adkeyno difaaca cirka ee dalka waana ta aan u iibsanayno gantaalahan ayuu yiri Dayib Erduqaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.