X

Somaliya oo bilaa sirdoon noqotey

Somaliya ayaa muddo kadib hadda noqotey bilaa sirdoon. Xasan Culusow oo baryahan jagooyin ku taxayay beeshiisa ayaa hay’adii sirdoonka u dhiibey Mahad Salaad oo aan habayaraatee aqoon lahayn.


Mahad oo baraha bulshada kula hadla jufadiisa ayaa marwalba ayaa markii u dambeysay feel u ururinaayay dagaal lagu galo inkastoo markii dambe ay fashilantey.


”Halkaa waxa ku dhintey wixii la oran jirey sirdoon qaran oo Somali leedahay. Waxa hadda sirdoonku gacanta ugu jiraa mooryaan weyn iyo TPLF iyo kooxda Xalane iyo wixii la halmaala ayuu yiri Cali Calasow.


Waxa kaaga daran si la rabo in loo ansixiyo oo la sheegayo in la marsiinayo afar wasiir oo  Rooble Baahane wato laguna sheegi doono golaha wasiirada.



Xasan Culusow oo laynagu soo dhex tuuray ayaa si aada uga faaiideysanaya muddada uu haysto boosas aan macno lahayna shaqo ugu abuuray beeshiisa Hawiye qaarkood.


Waxa la sheegayaa inuu maalinta ugu dambeysa sodonka maalmood uu magacaabi doono raiisal wasaare ee uu ku soo magacaabayo raiisal wasaare.

Waxa ilaa hadda la soo hadlay la soo hadlay sirdoonka Maraykanka oo aad ka garan karto inay yihiin kuwa kursiga inoo saaray

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.