X

Yuhuuda oo ku faraxday dib u soo noqoshada Xasan Sheekh

Yuhuuda ayaa ku faraxday dib u soo noqoshada Xasan Sheekh oo hore loo sheegay inuu si qarsoodiya ula kulmay raiisal wasaarihii Yuhuuda Natanyahu. Mar wax laga weydiiyay inuu la kulmay horgale Xasan ayu ka gaabsaday inuu maya iyo haa midna ku jawaabo.


 

”Waxa inta badan jirta inaan la kulano siyaasiyiin ka socda wadamada aanu xiriirka lahayn ayuu yiri Natanyahu oo macnaheedu yahay inuu la kulmay Xasan Culusow.

Warbaahinta Yuhuuda sida Times of  Israel ayaa cinwaan uga dhigtey  ”waxa Somaliya loo doortey nin Yuhuuda la kulmay waxana laga guulaystey nin Yuhuuda necbaa ayay qortey jariiradu.


Jariirada ayaa intaas ku dartey inayna Xasan Culusow waqtigan talada ugu jirin inuu Yuhuuda ;a sii hadlo oo arimo kale horyaalaan, waxayse wax wanaagsan ka dhigeen inuu xukunka ku soo noqday.



Tani ayaa inoo cadaynaysa in wixii ka dhacay teendhada Xalane uu ahaa weerar qaawan oo lagu soo qaaday qaranimada dalka, dakana qoorta loo geliyay horgale aan filayn in la dooran doono ayadoo la ogaa sidii uu kaga tagey dalka.

”Somalidu dad waalan maaha ma ilowsana wixii uu sameyay shalay waxay cadaynaysaa in dadkii codka siiyay la iibsaday ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.