X

Somaliya oo ciidamo gaysay Madheera ee xadka Kiiniya iyo dadka deegaanka oo ka hadlay

Saacado kadib markii Somaliya xiriirka u goysay Kiiniya ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka xooga la geeyay xad beeneedka Kiiniya gaar ahaan Madheera. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay ayagoo ka baqay iyo in kuwa Kiiniya soo weeraraan. ”Waxaan arkaynaa ciidankii Somaliya oo xidhanaya aag ayuu yiri Cali Cabdulle.


Waxa jirta cabsi ah in kuwa Kiiniya soo weeraraan. Ciidanka Somaliya oo ku hubeysan gawaadhi Cabdi Bille ah oo qoryo saaran yihiin ayaan loogu talogelin inay la dagaalamaan kuwa Kiiniya laakiin loogu talogalay inay niyadsami siiyaan shacabka degan aagaas.

”Haddii Kiiniya isku daydo inay soo weerarto ciidankaas ku hubeysan hubka fudud waxay faaiido ugu jirtaa Somaliya waayo Kiiniya waxay weeerartay ciidan qaran oo jooga dalkiisa ayuu yiri Cali Calasow wana ta sugayo.


”Uma malaynayo in Kiiniya is dili doonto oo weerari doonto ciidan qaran oo dalka gudihiisa ku sugan, taas waxay keenaysaa in Somaliya is difaacdo, waxana khasaare ugu jirtaa Kiiniya ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Tuulada Madheera ayaa maciishadu uga timaadaa gobolada Gedo iyo kuwa kale.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.