November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dhamaan dhulka Somalida oo dhan oo si isku mida looga wada ciidey inkastoo Badhan shalay iyadu ciidey

Dhammaanba Dhulka Somalida degto ayaa waxaa maanta looga ciidayaa si isu midda, ka dib markii ay dadku dhameysteen, isla-markaana ay kaamilyeeleen 30-ka cisho ee Ramadanka.

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa iyadu noqotey magaalada kaliya ee shalay ciidey markii bisha Shawaal laga arkey deegaano ka tirsan Badhan.

Gobolada Koonfurta & Bartamaha, Puntland, Somaliland, Jabuuti, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Soomaalidu degto, ayaa laga wada ciidayaa.

Magaalooyinka Xeraale, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan oo ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa saakay waxaa laga tukanayaa Salaadda Ciidda.

Madaxa Garsoorka ee Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), Sheekh Xasan Geerte, ayaa xalay Radio Galgaduud ka iclaamiyay in Arbacadu tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga.

Dalalka Islaamka, ayaa sidoo kale maanta laga ciidayaa. Bulshada Muslimiinta ee ku nool daafaha dunida, ayaa iyaguna maanta wada ciidaaya.

Waxaad mooddaa in maanta si isu midda looga ciidaayo Deegaanada Soomaalida, walow ay hal maalin ka dib dhaceen dadka ku nool Magaalooyinka Ahlu Sunna ka arrimiso, maalintii 1-aad ee la soomay.

Inta badan dadka ku dhaqan Matabaan, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Xeraale, ayaa waxay soomeen 29 maalmood oo qura, ka dib markii Maamulka Ahlu Sunna uu sheegay inay dhameystirayan 30-ka cisho ee Shacbaan/Shabcaan, sababo ku aadan iyagoo aan arag billashadii bishii soon-qaad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS