X

Somaliya oo dib ugu noqotey gacanta kooxda Xalane degan

Kooxda Xalane ayaa dabaaldegii ugu weynaa dhigatey Axadii ina soo dhaaftey xilligaas oo xildhibaanadii ay biilka siiyeen ugu shubeen horgale Xasan Sheekh oo aan filayn inuu ku guulaysanayo.


Intaas wixii ka dambeeyay waxa dalka si toosa looga xukumaa xarunta kooxda ee Xalane ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxa gebi ahaanba dhintey qabkii dalku lahaa haddase waxay si toosa ula shiraan horgaleyaasha sida Aadan Madoobe.


Guuldaradan ayaa murugo weyn ku abuurtey ummada Somaliyeed oo filaysay in qaranku guulaysto haddase waxa dalka lagu celiyay qodobka todobaad waxay ugu yeeraan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Kacdoonka ka dhashay arintan ayaan la garan karin halka uu ku dhamaan doono waase mid cirka ku shareeran oo aan la garan karin xilliga uu qarxi doono.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.