Dowladda Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka iibin doonaan hub hadii codsigooda uu noqdo mid sax ah oo la hubo.
Afhayeen la hadlay Wakaalladda Wararka Ruushka ee RIA Novosti ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya hubka ay ka iibin doonaan marka laga qaado Cunaqabataynta dhanka hubka saaran ee Qaramada Midoobey.
Hadalka Afhayeenka u hadlay Ruushka ayaa yimid xilli dhowaan Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kulan la qaatay Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Ruushka.
Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Ruushka, ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in dowladiisa diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.
Dalka Soomaaliya waxaa saaran Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 1992-kii.
Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xubnaha Golaha Ammaanka ee Q.M ka codsaday in Soomaaliya laga qaado Xayiradda Hubka saaran, si ay Ciidanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.
Ilaa iyo hada Qaramada Midoobey hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya jawaab kama aysan bixin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay